Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo ruux oo uu ugaas ka mid yahay iyo wiilkiisa ka dib qarax duleedka magaalada Dadaab ee ismaamulka Garissa lagula eegtay baabuur siday dad shacab ah.
Waxaa gaariga saarnaa 11 qof oo rakaab ah.
Falkan oo 5 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay ayay xaaladooda caafimaad daran tahay.
Sidoo kale qaraxa ayaa burbur xooggan gaarsiiyay baabuurka.
Saraakiisha ammaanka oo goobta gaaray ayaa hadda wado howlgallo dheeraad ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurka la qarxiyay uu ku wajahnaa magaalada Kullan oo ka tirsan deegaanka Dadaab oo lagu waday in berri ay ka dhacdo munaasabad lagu caleema saaraya ugaas cusub.
Maxamad Baaruud Xuseen ayaa inoo warramay
Wixii qodobkan ku soo kordho dib ayaad kala socon doontaan.