Dowladda dhexe ee dalka oo ku gacan seyrtay eedeymo uu u jeediyay Gachagua

0
112

Dowladda dhexe ee dalka ayaa ku gacan seyrtay hadal uu jeediyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Gachagua ayaa shalay xilli uu ku sugnaa deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru, uu sheegay in dowladda ay fududeysay ka ganacsiga Khamriga sharci darrada ah ee gobolka Bartamaha dalka.
Waxaa uu xusay inuu hadda jiro dib u dhac ku yimid la dagaallanka isticmaalka balwadda marka loo barbardhigo xilligii uu xafiiska joogay oo uu arrintan la tacaalayay.
Hasa ahaate, xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr.Raymond Omollo ayaa hadalka Gachagua ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Waxaa uu cambaareeyay hadallada ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ee xilka laga xayuubiyay, isaga oo ku sifeeyay kuwo dano siyaasadeed ah oo aan laga fiirsan.
Omollo ayaa carrabka ku adkeeyay in isticmaalka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan ay tahay arrin qaran oo saameynaysa qoysaska guud ahaan dalka, oo aysan kaliya ahayn gobolka Mt. Kenya.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegay in dowladda aysan soo saarin ama qaybin Khamri sharci darro ah.
Waxaa uu ugu baaqay Gachagua in uu soo bandhigo wax kasta oo caddeymo oo uu cuskan karo eedeymaha uu dowladda u jeediyay.
Omollo ayaa ku celceliyay dadaalka dowladda ay ku doonayso inay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Khamriga sharci darrada ah.
Waxaa uu ku boorriyay kenyaanka in ay gacmaha isqabsadaan si ay bulshadooda uga difaacaan khatarta isticmaalka mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan.
Xoghayaha ayaa xusay in daroogada Khamriga ay saameyn xun ku yeelatay dhallinyarada.