Ugu yaraan 11 ka mid ah ciidamada ammaanka ee dalka Iiraan ayaa lagu dilay qarax lala eegtay saldhig booliis oo ku yaalla gobolka Koonfurta Bari ee Sistan-Baluchestan sida ay baahisay warbaahinta qaranka Iiraan.
Guddoomiye ku xigeenka gobolkaasi Alireza Marhamati ayaa sheegay in weerarka ay ku nafwaayeen saraakiil sare oo booliis ah iyo xubnaha qalabka sida halka dhowr kalena ay dhaawacmeen.
Weerarka ayaa abaare 2-dii habeenimo ee xalay ka dhacay magaalada Rask oo qiyaastii 1,400 kiilomitir u jirta caasimadda Iiraan ee Tehran.