Gaadiidleyda oo lagu boorriyay in ay feejignaadaan xilliyada dabbaal degyada bishan

0
176

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka ayaa dhammaan wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ugu baaqday inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan bishan Diseembar.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddan Dr.Raymod Omollo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in maadaama bishan ay qaar ka mid ah kenyaanka u safraan deegaannada ay ka soo jeedaan in dhacdooyinka shilalka ay kordhaan.
Tani ayuu ku tilmaamay nasiib darro wuxuuna u aaneeyay in baabuurta aan si feejignaan leh loo kaxeyn.
Xoghayaha ayaa xusay in xaqiijinta badqabka dadka isticmaalo waddooyinka ay tahay mas’uuliyad wadareed.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii wadayaasha gaadiidka aynan u hoggaansamin xeerarka degsan , in lala xisaabtamaya.