Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa maanta sheegay in laga billaabo bisha koowaad ee sanadka 2024-ta ay ardayda dhigta dugsiyada dowladda ee ku yaalla caasimadda wadanka heli doonaan cunto uu qiimaheedu yahay 5 shilin maalinkii.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayuu ku sheegay in ardayda ay fursad buuxda u helaan waxbarashada oo aynan caqabad kala kulmin helidda cuntada.
Waxaa uu dhanka kale bogaadiyay maamulka la daadajiyay ee dalka ka jira isagoo xusay in faa’iidooyinka laga helay nidaamkan ay ka mid yihiin wanaajinta adeegyada caafimaadka.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay hadda ismaamullada wadanka xilliga ku habboon ku wareejiso lacagaha loogu talagalay.
Sakaja ayaa dhanka kale sheegay in daadad aynan saameyn ismaamulka Nairobi iyadoo dhallinyarada qaabilsan arrimaha deegaanka ay fureen marinnada biyaha wixii hadda ka dambeeyana ay geedo abuuri doonaan.