DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo kenyaanka ku hoggaamiyay xuska maalinta Jamhuri Day

0
254

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta kenyaanka ku hoggaamiyay u dabbaal degga sanadguuradii 60-aad ee ka soo wareegatay 12-kii bishii Diseembar ee sanadkii 1963-dii oo ay Kenya noqotay waddan madax bannaan ka dib guumaysigii Ingiriiska.
Xuska qaran ee maalinkan oo loo yaqaano Jamhuri Day ayaa lagu qabtay fagaaraha Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi.
Jamhuri Day ayaa sanad kasta Kenya laga xusaa taariikhda marka ay ku beegan tahay 12-ka bisha 12-aad.
Ilaa 30,000 oo qof ayaa ka qayb galay xuska qaran ee Jamhuri Day ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta khudbad ka jeedinayay dabbaal degga qaran ee Jamhuri Day waxaa uu dhammaan kenyaanka uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen in laga soo gudbo xilli adag oo uu dalka soo maray.
Sidoo kale waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay in qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul sida waayeellada , agoonta iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah in lacagaha ay dowladda dhexe ugu tala gashay ay heli doonaan ka hor inta aan la bixin mushaaraadka shaqaalaha dowladda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda ka dib dadkan aynan dhibaatooyin kala kulmi doonin oo aynan safarro u geli doonin inay helaan lacagaha ay dowladdu u qoondeysay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in wixii hadda ka dambeeya xanuunka kansarka lagu daaweyn doono caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF si bukaannada looga fududeeyo culeysyada dhaqaale ee ay arrinkan kala kulmaan.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin la xusuusanaya aabayaashii iyo hooyooyinkii naftooda u huray in Kenya ay xor noqoto.
Waxaa uu sheegay inay ku faanayaan cid kasta oo halgankaasi kaalin ka qaadatay.