Haweeney qof ajnabi ah ka lunsatay 300 milyan oo shilin oo gacanta lagu dhigay

0
557

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigtay haweeney in muddo ah lagu raad joogay taas oo la sheegay in qof ajnabi ah ay ka lunsatay lacag dhan 300 milyan oo shilinka dalka ah ka dib markii ay ka iibisay dahab faalis ah.
Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Pauline Adhiambo Odok oo loo yaqaan Rose Omamo, oo baxsad ku jirtay tan iyo bishii Shanaad ee May ee sanadkii hore ayaa shalay laga soo qabtay xaafadda Ololua, Dam Estate ee magaaladatan Nairobi.
Eedeysanaha ayaa gacanta lagu dhigay ka dib markii waaxda DCI-da ay xog ku saabsan haweeneydan ay ka heleen xubin ka tirsan dadweynaha.
Sida laga soo xigtay waaxda dambi baarista dalka, tuhmanaha ayaa howlaheeda ku fulisa iyadoo iska dhigeysa qof qaraabo la ah sarkaal sare oo dowladda si uu u kasbato kalsoonida dhibanayaasha.
Waxaa la sheegay inay ku qancisay agaasimaha shirkadda Simong Group Southorn Chanthavong, ee uu fadhigiisu yahay Lao ee Koonfurta Asia, inay awood u leedahay inay ka iibiso dahab.
Waxaa ay haaatan ku jirta xabsiga iyadoo lagu wado in maxkamad loo soo taago si ay uga jawaabto eedaha loo haysto ee ka dhanka ah khiyaanada.