Wasaaradda waxbarashada oo sheegtay in la billaabaya sixidda imtixaanka KCSE-da

0
496

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta sheegay in la guda galayo sixidda warqadaha ay su’aalaha maadooyinka kala duwan kaga jawabeen ardayda sameeyay imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE)
Magoha ayaa xusay in ay jiraan tallaabooyin la qaadaya si howshan loogu guulaysto.
Wasiirka ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru sheegay in dhammaan macallimiinta saxaya jawaabaha imtixaanka shahaaddiga laga tallaali doono cudurka COVID-19.
Waxaa uu wasiirku sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in cudurka laga tallaalo dhammaan macallimiinta si gaar ah kuwa ay da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka weyn balse fursadda ugu horreysa la siinaya barayaasha loo xilsaaray xaqiijinta in jawaabaha ay ardayda soo gubdiyeen ay sax yihiin iyo in kale.
Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa sidoo kale sheegtay in kastoo ay jireen xaalado dhowr ah oo la xiriira iskuday xatooyo haddana in macallimiinta iyo saraakiisha ammaanka ee imtixaanka maareynayay ay dadaaleen.
Prof. George Magoha ayaa xaqiijiyay inuu jiro qorsho loo dejiyay qaabka ay ardayda sameeyay KCSE-da dib ugu laabanayaan ismaamullada ay ka soo jeedaan si gaar ah kuwa ku xayiran dowlad deegaannada Nairobi, Kajiado, Nakuru, Kiambu iyo Machakos.