India oo mar kale laga xaqiijiyay in ka badan 200 oo kun oo ah xalaadaha cusub ee corona

0
558

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa mar kale sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaan gelisay 217,353 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19.
Waa maalinkii sideedaad oo xiriir ah oo uu jiro sare u kac dhanka kiisaska caabuqa ah.
Sidoo kale waxaa halkaas xanuunka ugu dhintay 1,185 qof oo dheeraad ah tani oo dhimashada guud ka dhigtay 174,308.
Tirada guud ee xaaladaha corona ee India ayaa hadda ah ku dhawaad 14.3 milyan.