Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xusay in hadda uunan aaminsanayn in Kenya ay leedahay mucaarad siyaasadeed balse uu qiraya in Raila Odinga uu yahay siyaasiga ugu cad ee xilka madaxtinimo ee wadanka kula tartami doono doorashada sanadka dambe.
Waxaa uu cadeeyay in uunan Raila Odinga kala hadlin soo dhisidda isbeheysi siyaasadeed.
Ruto ayaa sheegay in uu barasaabka ismaamulka Kakamega ahna ku xigeenka madaxa xisbiga ODM Wycliffe Ambetsa Oparanya uu arrimo siyaasadeed kala hadlay ilaa 5 jeer.
Waxaa uu intaasi raaciyay in isaga iyo Oparanya ay diiradda saareen siyaasadda ku saleysan taageeridda danyarta.
Labo toddobaad ka hor ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka la kulmay 17 kale oo ka mid ah barasaabyada ismaamullada dalka waxayna isla soo hadal qaadeen mustaqbalka siyaasadeed ee wadanka.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan madax kale oo qabo hami siyaasadeed kuwaasoo si khaas ah ay u kulmaan maadaama sida uu hadalka u dhigay ay ka cabsanayaan in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo.