Maareeyaha miisaaniyadda dowladda oo maxkamad la soo taagay

0
302

Waxaa maxkamadda ismaamulka Mombasa maanta la soo taagay maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakango.
Haweeneydan iyo toban qof oo kale ayaa waxaa dacwad ku soo oogay xafiiska waaxda dacwad oogidda dalka ee ODPP.
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Jackson Ngure Wanjau, Suran Kendi, James Makena Wanyagi, John Muchira Kithaka, Jane Karau Ndanyi, Muthoni Iphas, Joan Chumo, Mercy Ndura Mukora, Gregory Mwangangi Mailu, iyo Michael Kipkurui.
Waaxda dacwad oogidda ayaa sheegtay in shakhsiyaadkan ay wajahayaan eedeymo ay ka mid yihiin inay iska kaashadeen shirqool dadweynaha lagu khiyaanaya , inay waxyaabo ka beddeleen dokumeentiyo sidoo kalena ay gacanta ku hayaan shirkad maalgashi oo aan lahayn shati rasmi ah.
Ku xigeenka Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Ms. Jacinta Nyamosi ayaa sheegtay inay hayaan caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah eedeysanayaasha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Margaret Nyakango oo maxkamadda la geeyay ay iska fogeysay eedeymihii loo jeediyay.
Waxaa ugu dambeyn lagu siidaayay damaanad dhan 2 milyan ama damaanad lacageed oo ah 500,000 oo kun oo shilin.
Dacwadda ay wajahaysa ayay maxkamadda mar kale soo hadal qaadi doontaa 13-ka bishan Diseembar.
Tobanka eedeysanayaal oo kale ayaa lagu amray inay maxkamadda hor yimaadaan maalinkaasi.