Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar lagu hakinaya diiwaangelinta iyo bixinta kaararka cusub ee aqoonsiga casriga ah.
Garsoore John Chigiti ayaa dowladda dhexe ku amray inay joojiso geeddisocodkan oo lagu waday inuu billowdo bishan Diseembar.
Waxaa go’aanka maxkamadda qayb ka ah in qorshahan aan la sii wadi karin ilaa laga qiimeynaya saameynta dhanka ilaalinta macluumaadka ee barnaamijkan ka dhalan karta.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda dacwad u gudbiyeen ururrada rayidka sida Katiba Institute, Nubian Rights Forum, guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka iyo isbeheysiga Defenders Coalition.
Waxay ku doodayaan in dowladdu aynan dadweynaha si buuxda uga qayb gelin soo saaridda aqoonsiga dhijitaalka ah.
Waxaa doodda ururradan qayb ka ah in aan la dejin xeerar lagu xaqiijinaya badbaadinta xogaha kenyaanka isku diiwaangelinaya barnaamijkan.
Nidaamka aqoonsiga ee loogu magacdaray The Maisha Namba ee ay hadda maxkamaddu hakisay dhaqangelintiisa ayaa la doonayay in lagu beddelo midkii Huduma Number ee xilligii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.