Madaxweynaha dalka oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee India

0
139

Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa magaalada New Delhi ee wadanka India kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladdasi Subrahmanyam Jaishankar .
Hoggaamiyaha dalka ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in Kenya iyo India ay wadaagaan xiriir dhow oo soo jireen ah oo soo billowday qarnigii 18-aad.
Labada waddan ayaa sameeyay iskaashi adag oo dhanka caafimaadka , beeraha , warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ama ICT-da iyo dhinacyo kale oo badan ah.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi , Xuseen Maxamad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in safarka madaxweyne William Ruto uga billowday wadanka India uu qaadan doono labo cishe.
Waxaa uu safarkiisa diiradda ku saaraya iskaashiyada dhanka caafimaadka iyo waxbarashada.
Xuseen Maxamad ayaa xusay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha India , Narendra Modi ay yeelan doonaan wada hadallo labo geesood ah oo ku qotomo arrimaha beeraha, ganacsiga, sare u qaadidda maalgashiga ,daryeelka caafimaad gaar ahaan soo saaridda daawooyinka , xoojinta karaanka howlwadeennada caafimaadka , iskaashiga waxbarasho , ICT-da, arrimaha badda iyo tamarta la cusbooneysiin karo.
Waxaa uu afhayeenka madaxtooyada dalka intaasi ku daray in wada hadallada ka dib la saxiixi doono heshiisyo lagu xoojinaya iskaashiyada ka dhexeya Kenya iyo India.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale kulan la qaadan doono madaxweynaha India Droupadi Murmu.
Waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa madal ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga isagoo xoogga saari doono fursadda wayn ee iskaashiga dhaqaale ugu jirta Kenya iyo India.
Xuseen Maxamad ayaa sheegay in safarka madaxweynaha ee India uu guul wayn u yahay xiriirka labada waddan maadaama uu yahay madal looga shaqeynaya danta shacabka sidoo kale dowladaha Kenya iyo India.
Hoggaamiyaha dalka ayaa inta uunan u sii gudbin India waxaa uu magaalada Dubai ee Isu tagga Imaaraatka Carabta ee UAE-da uga qayb galay shirka qaramada midoobay ee arrimaha cimillada ee COP28 iyadoo halkaasi lagu gaaray heshiis ku kacaya 680 bilyan oo shilin oo lagu maalgelinaya mashaariic ay ka mid yihiin kuwa tamarta iyo wax soo saarka beeraha.