Tirada naafada la siinaya lacagaha dowladda oo la shaaciyay

0
162

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in la diiwaangeliyay 137,119 qof oo ah dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee (PWDs) si loogu biiriyo qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul ee lacagaha lagu taageero.
Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Florence Bore ayaa sidatan sheegtay.
Waxay hoosta ka xarriqday in sidoo kale dib u eegis lagu sameynaya xeerka naafada ee Persons with Disabilities Act, ee sanadkii 2003-dii si dadkan ay uga faa’iidaystaan barnaamijka dhaqaale ee Inua Jamii .
Wasiiradda ayaa sheegtay in marka dib u eegista la dhameystiro , barnaamijkan lagu soo dari doono 28,152 oo ah qoysaska dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Waxay beddeli doonaan liiska naafada hadda la diiwaangeliyay ee ka kooban 137,119 ruux.
Florence Bore ayaa laga soo xigtay in dowladdu ay diiradda saareysa sidii dadka qabo baahiyaha gaarka ah ay u heli lahaayeen awoodsiin maaliyadeed oo muddo dheer ah.
Sidoo kale waxay sheegtay in dadkan boqolkiiba 5 ee fursadaha shaqo ee waaxyaha dowladda iyaga loogu tala geli doono.
Tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2019-kii ayaa lagu ogaaday in dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee xilligaasi ay tiradoodu ahayd 900,000 oo qof ama boqolkiiba 2.2.
Waxay isugu jiraan 1.9 boqolkiiba oo rag ah iyo boqolkiiba 2.5 oo haween ah.