Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa baarlamaanka geeyay codsi uu ku doonayo in la dejiyo xeerar lagu maareyn karo adeegsiga barta Tiktok ee gudaha wadanka.
Waxaa dacwaddan lala wadaagay guddiga baarlamaanka u qaabilsan qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ay hoggaamiso xildhibaanadda deegaanka Turbo Janet Siteinei .
Dr. Danvas Makori oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee NCIC , ayaa sheegay in baaqa ku aaddan in wadanka laga mamnuuco isticmaalka bartan uunan ahayn mid gar ah.
Waxaa uu sheegay in taasi beddelkeeda loo baahan yahay in la soo saaro xeerar la mid ah kuwa u degsan adeegyada casriga ee Yurub.
Makori ayaa xusay in xeerarkan ay xaqiijinayaan in baraha online-ka loo adeegsado si nabad ah , daahfuran oo la is kula xisaabtami karo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dalka laga doonayo inay qaado tallaabooyin adag oo lagu badbaadinaya rayidka gaar ahaan jiilalka soo koraya.
Makori ayaa ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in laga hor tago waxyaabaha dhaawacaya wadajirka kenyaanka iyo mabaadi’ida aasaasiga ah.
Baaqa ku aaddan in gudaha Kenya aan laga isticmaalin barta bulshada ee Tiktok ayaa waxaa soo saaray madaxa fulinta ee shirkadda ka talo bixisa adeegyada casriga ee Bridge Connect Consultancy Mr. Bob Ndolo.