Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa dhaliil u jeediyay madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Musalia Mudavadi, dhigiisa tamarta Davis Chirchir iyo wasiirka maaliyadda Njunguna Ndungu.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirradan ay ku guul dareysteen inay aqalka sare ka soo hormuuqdaan in kastoo loo yeeray.
Amason Kingi ayaa habdhaqanka wasiirradan ku tilmaamay mid laga dheehan karo xushmad darro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuunan ku qancin wargelin cudur daar ah oo ay xilli dambe soo direen mas’uuliyiintan.
Bayaan ka soo baxay aqalka sare ee dalka ayaa muujinaya in wasiirrada ay sheegeen inaynan halkaasi iska xaadirin karin maadaama ay u safreen magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta oo uu ka qabsoomaya shirka arrimaha cimillada ee COP28.
Waxaa sidoo kale habdhaqanka wasiirrada dhaliilay senatarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale, dhigiisa Nairobi Edwin Sifuna iyo Fatuma Dullo oo ah senatarka Isiolo.