Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha wadanka Jarmalka Olaf Scholz.
Waxaa uu madaxweyne Ruto sheegay in Kenya ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka kala dhexeya Jarmalka ee dhanka shaqaleysiinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrimaha socdaalka oo la nidaamiyo ay ka hor tag u noqonaysa in wadankaasi si sharci darro ah lagu galo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dowladood oo dhinaca shaqaaleysiinta ka heshiiya ay kenyaanka u suurtagelinaysa inay fursado shaqo oo badan ay ka helaan gudaha Jarmalka.
William Ruto iyo Olaf Scholz ayaa ku wada kulmay magaalada Berlin oo lagu qabanaya shirka 20-ka waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee G20 ee looga hadlaya maalgashiga qaaradda Afrika.
Labada mas’uul ayaa ku heshiiyay muhiimadda ay leedahay in Afrika laga sameeyo maalgashi toos ah.
Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa dhanka kale dowladda Kenya ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanaysa arrimaha doorashooyinka soo socdo ee waddamada DRC iyo Suudaanta Koonfureed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay in dowladiisa ay Kenya garab ku siiso qorshaha ay 1,000 ka mid ah ciidamadeeda booliiska ku gaynaysa dalka Haiti.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoggaamiyaha Jarmalka ka codsaday inuu garab ku siiyo u ololeynta isbeddelo lagu sameynaya nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah si xal loogu helo caqabadda deynta ee haysata waddamo badan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya iyo Jarmalka ay wadagaan xiriir adag oo soo jireen ah iyo dano ka dhexeya oo dhanka ganacsiga ,maalgashiga , ilaalinta deegaanka iyo horumarinta warshadaha ah.
Waxaa uu xusay in la sii xoojinaya xiriirradan si ay muwaadiniinta labada waddan uga faa’iidaan.
Madaxweyne William Ruto oo horay u difaacay safarrada uu ku tago dalka dibadiisa kuna tilmaamay kuwo ay faa’iido dhaqaale ugu jirto qaranka ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Belgium Alexander De Croo.
Waxaa madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Musalia Mudavadi.