Ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in shalay abaare 5-tii galabnimo ay mid ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaano Helikobtarka ay ku burburtay degmada Buna ee Waqooyiga ismaamulka Wajeer.
Diyaaradda oo ay leeyihiin ciidamada hawada ee dalka ee Kenya Air Force ayaa ah Mi-171E.
Waxaa bayaanka ku cad in dhammaan shaqaalihii diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa ay badqabaan oo aynan waxyeello soo gaarin.
Diyaaradda ayaa loo adeegsanayay howlaha gargaarka loo fidinaya dadka ay daadadku saameeyeen ee Mooyaale oo ka tirsan ismaamulka Marsabit iyo Buna oo hoos tagto Wajeer.
KDF ayaa sheegtay in sababta keentay in diyaaradda ay burburto la ogaan doono marka baaritaano la sameeyo ka dib.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in diyaaradda ay soo dhacday wax yar ka dib markii ay kacday.
Waa markii saddexaad oo ay diyaarad militari gudaha wadanka ku burburto shan bilood gudahooda.
Bishii Sagalaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay KDF guddi xaqiiqo raadin ah u saartay shil ay xilligaasi diyaarad kormeer sameynaysay ku gashay Lamu.
Waxaa ka sii horreysay diyaarad kale oo ay leeyihiin militariga oo 20-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ku burburtay aagga Chemolingot ee ismaamulka Baringo.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii 10 ka mid ah ciidamada difaaca dalka ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay Kajiado halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale wakiilka deegaanka hoose ee Arbajahan ahna hoggaamiyaha aqlabiyada aqalka hoose ee ismaamulka Wajeer ayay diyaaradda nooca qummaatiga u kacda ee loo yaqaano Helikobtarka waxay kula dhacday ismaamulka Wajeer xilli uu u socday in ay soo badbaadiyaan carruur daad uu ku qaaday tuulada Gubey Suran ee deegaanka hoose ee Arbajahan ee galbeedka Wajeer.
Diyaaradda ayaa ahayd midii imtixaanka qaadeysay
Saddex qof oo uu ka mid yahay wakiilka ayey dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Wakiilka deegaanka hoose ee Arbajahan ayaa Cabdiraxmaan Mucaawiye uga warramay sida ay wax u dhaceen.