koox fallaaga ah oo bariga wadanka Congo dad shacab ah ku dilay

0
805

Ugu yaraan 46 qof oo shacab ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar looga shakisan yahay inay koox fallaaga ah ku soo qaadday tuulo ku taalo bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Wasiirka arrimaha gudaha wadankaasi Adjio Gidi ayaa sheegay in ciidamo badan loo daad gureeyay tuuladaasi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhimashada ay duhurnimadan gaartay ku dhawaad 46 qof oo shacab ah.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in falkan ay ka dambeeyeen xulufada ciidamada dimuqraadiga.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in tani iyo billowgii sanadkii 2019-kii la rumeysan yahay in ugu yaraan 1000 qof oo shacab ah lagu dilay weerar ay gaysatay koox hubeysan oo ku sugan xuduudda Congo iyo Uganda.