Bobi Wine oo sheegtay inuu ku guulaystay doorashada Uganda

0
883

Musharraxa madaxweynenimo ee dalka Uganda Bobi Wine ayaa sheegtay inuu ku soo baxay codeyntii shalay dhacday.
Robert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa sheegay inay guul u soo hooyatay oo ay ka guulaysteen Yoweri Museveni oo uu ku tilmaamay keligii taliye.
Waxaa uu gaashaanka u darruuray natiijada hor dhaca ah ee ka soo baxday codadka la tiriyay taasoo muujisay in madaxweyne Yoweri Museveni uu musharraxiinta kale oo gaaraya 11 ku hoggaaminayo in ka badan boqolkiiba 63 oo ah codadkii laga dhiibtay boqolkiiba 29 ee goobaha codbixinta.
Bobi Wine oo 38 sano jir ah ayaa dhankiisa xilligii uu guusha sheeganayay helay boqolkiiba 28 ee codadka .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in doorashada ay rabshado saameeyeen tani oo qaar ka mid ah Kenyaanka halkaas ku nool ku khasabtay inay soo cararaan.
Guddiga doorashooyinka ee Uganda ayaa sheegay in doorashada madaxtinimo ay si nabad ah ku dhacday oo natiijada kama dambeyska ah la rajeynaya galinka dambe ee berri oo Sabti ah.
Shacabka Uganda ayaanan muddo 35 sano ah arag madaxweyne kale maadaama Museveni uu wadankaas hoggaaminayay tan iyo 1986-dii.