Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Liibiya Cabdulxamiid Dbeibeh iyo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminaya ayaa maanta tagaya dalka Turkiga.
Waxaa ay halkaas wada -hadal kula yeelan doonaan madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka Turkiga oo lagu xusay in wafdiga matalaya Liibiya uu labo cisho ku sugnaan doono wadankaas.
15-kii bishii saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii la dhaariyay xukuumadda cusub ee midnimada ee Liibiya.