Kenyaanka oo lagu wargeliyay in ay gudbiyaan warbixinnada canshuur bixinta

0
339

Maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa shacabka iyo shirkadaha kala duwan ugu baaqay in ka hor bisha lixaad ee sanadkan ay gudbiyaan warbixino la xiriira bixinta canshuuraha.
Dadweynaha ayaa la doonaya in ay adeegsadaan barta dijitaalka ee iTax .
Waxaa arrinkan ka hadashay guddoomiyaha KRA u qaabilsan canshuurta maxalliga Rispah Simiyu .
Muwaadiniinta ayaa lagula taliyay in ay adeegsadaan baraha dijitaalka ah maadaama uu jiro cudurka COVID-19 sidaas awgeedna laga hor tagaya in dadka ay tagaan xarunta KRA si ay macluumaadkan u gudbiyaan.