Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad ku guuleystay madaxtinimada Jabuuti

0
490

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 98.58 boqolkiiba codadkii dadweynaha reer Jabuuti ee doorashadii shalay.
Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmad Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan.
Hadal kooban oo uu shalay jeediyay madaxweyne Geelle, ka dib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, islamarkaana uu sugayo natiijada doorashada.
Madaxweyne Geelle, ayaa waxaa la tartamay ganacasade Sakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, ayaa helay 1.59 boqolkiiba tirada guud ee doorashadan.
Sakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Koowaad ee sanadkan.