Mamaulka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamnaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo in uusan fashilin Shirka Afisiyooni, islamarkaana uu kusoo laabto.
Qoraal kooban oo Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Afhayeenka Maamulka Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntland weli diyaar u tahay wada-hadal, isla markaana Farmaajo ay ka dalbadanayaan in uusan fashilin Shirka Afisiyooni.
“ Waxaan ugu baaqeyna Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka ayuu yiri” Jaamac Dabaraani.
Warkan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadayaa xilli Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ay sheegtay in shirkii Afisiyooni ay fashiliyeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, balse labada Maamul ay sheegeen in uusan fashilmin shirka.