Dowladda federaalka Soomaaliya oo golaha ammaanka uga digtay inay farageliyaan doorashada dalkaasi

0
604

Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u dirtay Qoraal ay ku caddeynayaan mowqifka dowladda Federaalka ee doorashooyinka ka dhacaya dalkaasi
Qoraalka Wasaaradda oo sigaar ah loogu diray Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Golaha Amaanka Marwa Linda Thomas ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya wajahayso xaalado adag iyo caqabado la xiriira doorashooyinka ka dhacaya, hayeeshee la muujin doono isku tanaasul, isla markaana xal laga gaari doono.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay u arkeyso faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay Arrimaha gudaha dalka Soomaaliya iyo in la Jebiyay shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe iyo qaanuunka Caalamiga ah.
Sidoo kale Dowladda ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay in Guddi Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ay ku wareejinayaan ammaanka doorashooyinka dhacaya.
Haddaba, waxay hoosta ka xariiqeen mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta waxyaabaha soo socda:
A: Doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, sida ummadaha kale ee madaxbanaan u leeyihiin aaya ka talinta Qarankooda ayay hay’adaha dalkeeni go’aan uga gaarayaan arrimaha horyaala, sida ku cad sharciga Lr. 30 ee ay meel mariyeen Baarlamanka. Sidaa darteed, waxaan ka mahadcelineynaa taageerada hagar la’aanta ah ee UNSC ee gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.
B: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u arkaysaa faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaheena gudaha iyo jabin la jabiyay shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada midoobe iyo qaanuunka Caalamiga ah.
C: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskii 17-kii Sebtember inuu saldhig u yahay Geedi socodka doorashada iyo talooyinka ay soo jeediyeen guddigii Farsamada Baydhabo ee 16ka Febraayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.
D: Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo ka faa’iidaysanaysa fursadaan waxa qiraysa doorka iyo qiimaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobe waxayna siinaysa tixgalin midda ugu saraysa.
Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaana ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Maxamad Cabdirisaaq.