Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa sheegay inuu baaritaano ku hayo ugu yaraan 150 kiis oo ah shaahadooyin waxbarasho oo been abuur ah.
Waxaa baaritaannadan wajahaya qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda.
Guddiga ayaa shirkadaha dadka shaqaaleysiiya iyo xarumaha sare ee waxbarashada ugu baaqay inay dabagal dhameystiran sameeyaan.
Vincent Okong’o oo ka mid ah agaasimayaasha guddiga EACC ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii loola tacaali lahaa falalka shahaadooyinka waxbarasho ee faaliska ah ee kordhay.
Guddoomiyaha guddiga EACC David Oginde ayaa dhankiisa siyaasiyiinta ku boorriyay inaynan siyaasadeyn dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa oo soo bandhigay qorsho howleedkiisa muddo shan sano ah ayaa dhanka kale sheegay inuu wajahaya gaabad dhaqaale maadaama aan lagu wareejin miisaaniyad dhan 15.62 bilyan oo shilin oo uu dowladda sare ka codsaday.
Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa hay’adaha qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa ku boorriyay inay mar kasta feejignaadaan si looga hor tago lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu dhanka kale shacabka ka codsaday inay dowladda talada haysa waqti u siiyaan la tacaalidda falalka wax isdaba marinta.