Madaxweyne ku xigeenka dalka oo la kulmay agaasimayaasha KTDA

0
189

Ku xigeenka madaxweynaha dalka , Rigathi Gachagua ayaa maanta hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay agaasimayaasha maamulka horumarinta caleenta shaaha ee KTDA iyo saamileyda ganacsigan.
Waxaa shirka diiradda lagu saaray sida lagu wanaajin karo wax soo saarka dhanka caleenta shaaha ee gudaha dalka.
Qoraal uu soo saaray ayuu Gachagua ku xusay inay si gaar ah u eegayeen sida ganacsatada caleenta shaaha ay uga macaashi karaan wax soo saarkooda.
Waxaa uu hoggaamiyaha labaad ee dalka sheegay inuu ku qanacsan yahay horumarrrada lagu tallaabsanaya ee waaxdan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in tirada ganacsatada yaryar ee shaaha ay tahay 750,000 .