Bisha Mowliid ee taariikhda Hijriyada waxaa qaybo badan oo ka mid ah dunida laga xusaa dhalashada Nabi Muxammad Naxariis iyo Nabadgalyo dushiisa ha ahaate, laakiin waa arrin muran xoog leh ka dhex abuurtay culimada Islaamka oo ay ku kala qaybsan yihiin.
Marka laga eego taariikhda Miilaadiga Nabi Muxammad CSW wuxuu dhashay 22-kii bishii Afaraad ee Abriil ee sanadkii 571-kii, hase ahaatee waxay muslimiinta xuska maalintaas ku aaddiyaan bisha Mowliid.
Maanta waxaa shaqooyinka fasax ka ah dad fara badan oo munaasabaddan awgeed loo siiyay fursad, dalalka Islaamka ee ay nasiinada ka jirtana waxaa ka mid ah Soomaaliya.
Munaasabaddan ayaa si isku mid ah looga maamuusaa meelo badan oo ka mid ah dunida waxaana lagu weyneeyaa xaflado kala duwan.
Qaar ka mid ah culumada Islaamka ayaa munaasabaddan si aad ah uga soo hor jeestay waxayna ku tilmaameen mid aan sax ahayn.
Muranka la xiriira arrintan ayaa noqday mid muddo dheer la isku mari waayay is jiid jiid fara bandanna uu ka jiray.
Sax ma tahay in dhalashada Nabiga la xuso?
Waxaa jira muxaadarooyin fara badan oo ay culimada islaamka ee ka soo horjeeda ficilkan ay ka jeediyeen mowduucaas, iyagoo uga digay umadda muslimiinta ah inay arrintan sameeyaan.
Balse qaybo badan oo ka mid ah aqoonyahannada diinta islaamka ayaa difaacay xuska maalinta dhalashada rasuulka, iyagoo ku dooday inay tahay farxad loo muujinayo imaanshihii Nabiga.
Nabigu ma xusay dhalashadiisa?
Mar aan su’aashan hor dhignay culimada ayay ku jawaabeen “Xadiiskii Qataata ee lagu wariyay Muslim ayaa nabiga lagu weydiiyay sababta uu maalinta khaaska ah ee Isniinta u soomo, wuxuuna ku jawaabay inay tahay ‘maalintii uu dhashay ayna uga qiimo badan tahay maalmaha kale’ hasa ahaate uusan samey jirin dabaal degyo.