Dowladda India oo ka hadashay isbeddelka cimillada

0
465

Ra’iisul wasaaraha wadanka India Narendra Modi ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay la tacaalidda isbeddelka ku yimaado cimillada.
Waxaa uu ergeyga Maraykanka u qaabilsan arrimaha cimillada John Kerry u sheegay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay in ay fuliso ballanqaadyadii ay sameysay xilligii shirkii Paris ee sanadkii 2015-kii.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasaaradda arrimaha dibadda ee India oo bayaan ka soo saartay kulan ay shalay labada mas’uul ku yeesheen magaalada New Delhi.
John Kerry ayaa socdaal ku maraya India, imaaraadka iyo Bangladesh ka hor inta madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uunan 22-23-ka bishan qaban shir ku saabsan cimillada.