Ka dib markii ay kordheen xaaladaha cudurka COVID-19 ee gudaha dalka ayay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka muwaadiniinteeda uga digtay in ay u soo safraan Kenya.
Tani ayaa timid ka dib markii xarunta xakameynta iyo ka hor tagga cudurrada faafa ee (CDC) ay mar kale Kenya ku sheegtay in ay ku jirto heerka digniinta ee afaraad.
Heerkan ayaa lagu tilmaamaa wadamada uu ku badan yahay cudurka.
Sidoo kale waxaa la xaddiday duulimaadyada caalamiga iyo howlaha ganacsiga .