DHAGEYSO:Duqo Muqdisho oo sheegay in Madaxda qaar ay shirka Sharuudo keenen

0
450

Gudoomiyaha Gobolka banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxmauud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay intii uu shirku socday ay jireen Madaxda Qaarkood oo markasta Sharuudo la yimid.
Wuxuu sheegay in shuruudahaas uu isagu u arkay inay yihiin kuwo lagu doonayo inuusan wadanku horay u sii socon sidoo kalena aysan doorasho dhicin.

Dhanka kale Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa eedaymo u jeediyay Xildhibaannada golaha Aqalka sare ee Soomalaiya, isagoo sheegay in markii hore si sharci darro ah lagu dhisay.
Guddoomiye Cumar Filish wuxuu sheegay in Aqalka sare dhismihiisa uu ku yaal Dastuurka balse kan hadda jira sidii lagu dhisayay la garab maray oo dad dano gar ah watay ay si boob ah ku dhiseen


Hadalka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli kal hore Baarlamaanka Soomaaliya ay u ansixiyeen Gobolka Banaadir in Aqalka sare laga siiyo 13 Sanoter, hayeeshee uusan muuqan qorshihii lagu fulin lahaa go’aankaas maadaam muran badan uu doorashadii hareeyay