DHAGEYSO:In ka badan 15 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada xiriiriso Malindi iyo Momabasa

0
636

Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil gaari oo aroornimadii hore ee maanta ka dhacay inta u dhexeysa wadada xiriiriso deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi iyo magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta.
Shilka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay baska shirkadda Muxsin oo ka yimid Mombasa kuna sii jeeday Gaarisa iyo baabuur yar oo ay leedahay shirkadda Sabaki Shuttle kaas oo ku sii jeeday Mombasa isagoo ka yimid Mareeri oo ka tirsan deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Kilifi Kutswa Olaka ayaa xaqiijiyay in 14 qof oo dheeraad ah ay shilka ku dhaawacmeen.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in labadii darawal ee basaska waday ay isla goobta ku dhinteen.
Sidoo kale mas’uulkan ayaa dadka deegaanka uga digay in ay isku dayaan inay boobaan hantida rakaabka shilka galay.
Xilli uu faahfaahin ka bixinayay shilka dhacay ee sababay khasaaraha isugu jiro dhimashada iyo dhaawaca ayuu Mr. Kutswa Olaka yidhi

Taliyaha booliska ee Kilifi ayaa dhankiisa sheegay in mid ka mid ah baabuurta shilka galay qaab xowli ah loo kaxeynayay isaga oo darawaliinta kula taliyay in ay adeegsadaan xawaaraha habboon gaar ahaan marka waddooyinka ay marayaan ay yihiin kuwo aan wanaagsanayn

Mid ka mid ah goobjoogayaasha shilka ayaa isna dareenkiisa la wadaagay warbaahinta

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa dhankiisa qoraal uu dhawaan soo dhigay barta Twitter-ka kaga digay in la faafiyo sawirrada khasaaraha ka dhashay shilka .
NTSA ayaa sheegtay in aan wax qiil ah loo raadin karin faafinta sawirrada la xiriira shilka oo ay ku tilmaantay kuwo laga naxaya.
Qoraalka maamulka qaran ee gaadiidka waxaa qayb ka ah in shilka uu ka dhacay meel u dhow goobta loo yaqaano Gede oo ka tirsan Malindi.