Waxaa Maanta Xeradii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka biloowday shirka aan rasmiga aheyn ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka oo Sabtidii todobaadkaan ka bilaawday Teendhada Afisiyooni ayaa hakad ku jiray labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo madaxda ay ka doodeen arrimo dhowr oo ku saabsan Marxalada la isku hayo.
Kulanka Maanta oo rajo badan laga muujinayo ayaa Madaxda waxaay uga hadlayaan Ajandaha Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka ee dhawaan furmaya iyo cidda ka qeyb galeysa Shirkaas.
Wararka soo baxayay ayaa sheegayay in Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in shirka ay goobjooh ka noqdaan Xubnaha Midowga Musharixiinta & Guddoomiyaha Aqalka Saree e Soomaaliya , balse dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya aysan arintaas la qaadan.
Shirka maanta Furmay ayaa la filayaa in horumar laga sameeyo qodobada la isku mari la’aa maalmihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo, waxaana Wakiilada Beesha Caalamka ay madaxda ku cadaadinayaan inay heshiis gaaraan si wadanka ay Doorasho uga dhacdo.
Wararkii ugu danbeeyay ee shirka ka imaanaya ayaa sheegaya in durbo qaar ka mid ah qodobadii la isku hayay.
Wararka ayaa sheegaya in qodobada la isku fahmay ay ka mid yihiin in shirka la balaadhiyo oo ay ka qayb noqdaan Madaxweyneyaashii iyo Ra’isulwasaareyaashii hore ee Dalka Soomaray iyo sidoo kale gudoonka labada Gole ee Baarlamaanka.