Natiijada KCPE oo la shaacin doono labo toddobaad ka dib

0
656

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in labo toddobaad gudahood lagu dhawaaqo natiijada imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Magoha ayaa xusay in la saxay inta badan warqadaha ay ardaydu kaga jawaabeen su’aalaha maadooyinka.
Wasiirka ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu saaka ku sugna ismaamulka Kisumu.
Waxaa uu intaa ku daray in xayiraadaha la xiriira cudurka COVID-19 ay caqabad ku noqdeen habsami u socodka howlaha imtixaanada qaran ee sanadkan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in howsha saxidda warqadaha ay si habsami leh u socoto sidaas awgeedna ay natiijada imtixaanka KCPE-da soo bandhigi doonaan labo isbuuc ka dib.