Waxaa la filayaa in maanta maxkamadda ismaamulka Nyamira ay ka soo hormuuqdaan 13 eedeysanayaal ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu tuhunsan yahay in ay qayb ka noqdeen wax isdabamarinta dhanka imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
6 ka mid ah eedeysanayaasha ayaa arday ah halka toddobada kale ay yihiin shaqaale maareynaya imtixaanka shahaaddiga ah.
Wasiirka tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ay weli jiraan shakhsiyaad warqado imtixaan oo been abuur ah ka iibinaya ardayda.