Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay sarkaal Al-Shabaab ah

0
1085

War kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay degmada Awdheegle ee Goblka Shabeellaha Hoose ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Ganeey ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Warbaahinta, waxaana dowladda ay sheegtay inuu kamid ahaa Xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday degmada Awdheegle.
Sidoo kale warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xuseen Ganeey Xubno la socday oo gaarayay 15 xubood ay dhaawacmeen, halka qaarkood ay dhaawacyadii gaaray u geeriyoodeen.
Al-Shabaab weli wax War ah kama soo saarin warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ah in Ciidamada dowladda ay dileen hoggaamiye ka tirsanaa iyaga.