Muwaadin u dhashay boqortooyada Ingiriiska oo lagu magacaabo Hind Jeremy islamarkaana da’adiisu tahay 37 sano jir ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii diyaaradiisa oo aan duuliye lahayn la sheegay inay ku dul wareegatay hoyga ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ee xaafadda Karen.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay gelinkii dambe ee shalay.
Booliska ayaa sheegay in Mr. Jeremy la xiray isla markaana ay haatan socdaan baaritano ku aaddan dhacdada argagaxa dhalisay.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi Augustine Nthenge ayaa sheegay in dhacdadan ay ku soo wargelisay marwada madaxweyne ku xigeenka dalka Mrs. Rachel Ruto abaare 3-dii galabnimo ee shalay ka dib markii ay aragtay diyaarad aan duuliye lahayn oo dul heehaabaysa gurigooda.
Waxaa uu intaa ku daray in xogta ku jirta qalabka keydka ee laga helay diyaaradda ay ka caawin doonto baarayaasha inay helaan macluumaad dheeraad ah.