Waxaa maanta dib u dhac ku yimid shir lagu waday inay yeeshaan madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo la filayay inuu ka dhaco xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Arrintaan ayaa Timid kadib markii khilaaf horleh uu hareeyay shirar gaar-gaar ah oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo u gogol-xaarayay shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, oo la filayo inay yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhinacyadu ay weli isku fahmi la’ yihiin arrimaha Shirka, gaar ahaanna ka qayb-galka iyo ajandaha Shirka, oo ay ku jiraan qaabka loo furay,qodobada lagu bilaabayo iyo muddada uu soconayo.
Shirka oo la doonayay in la furo Talaadada maanta ah ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, waxaana weli socda kulamo goonni-goonni ah iyo dadaallo ku jihaysan in isfaham laga gaaro muranka la xiriira qabsoomidda Shirka.