Madaxweynaha Tanzania oo ku xigeenka madaxweynaha u magacaawday wasiirkii maaliyadda

0
561

Madaxweynaha dalka Tanzania Saamyia Suluhu Xasan ayaa ku xigeenka madaxweynaha ee dalkaasi u magacaawday Philip Mpango oo ahaa wasiirkii maliyadda.
Magacaabista ayaa la horgeeyay baarlamaanka si boqolkiiba 50 ee xildhibaanada u ansixiyaan sida u dhigaya dastuurka dalkaasi.
Booska madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa banaanaaday ka dib markii Mrs Suluhu dhawaan loo dhaariyay madaxweynaha dalkaasi oo horaan xilka hoggaamiye ku xigeenka Tanzania muddo shan sano ah soo haysay .
Xilka madaxweynenimo ee dalkaas ayay Samiya la wareegtay ka dib geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Tanzania Dr. John Pombe Magufuli oo u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah.
Dr. Mpango oo 63 jir ah, ayaa ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta ee wadankaasi tan iyo bishii 11-aad ee sanadki 2015-kii.
Waxaa uu horey u soo qabtay jagooyin kala duwan oo kala ah, ku simaha guddoomiyaha guud ee hay’adda dakhliga ee Tanzania (TRA), xoghayaha fulinta ee xafiiska madaxweynaha, kuxigeenka xoghayaha joogtada ee wasaaradda maaliyadda iyo arrimaha dhaqaalaha, iyo kaaliyaha gaarka ah ee madaxweynaha gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha.
Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay madaxa waaxda la talinta dhaqaalaha ee madaxweynaha, dhaqaaleyahan sare oo ka tirsan bangiga adduunka iyo sidoo kale shaqooyin kale.