Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Sarah Obama

0
621

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Mama SarahOnyango Obama oo ahayd ayeydii madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama.
Mr.Kenyatta ayaa sheegay in uu murugada la qaybsanaya qoyska , ehellada iyo asxaabta.
Mama Sarah ayaa maanta ku geeriyootay isbitaalka Jaramogi ee ku yaalla ismaamulka Kisumu iyada oo 99 sano jir ah halkaas oo lagu daaweynayay.
Xubnaha qoyskeeda ayaa xaqiijiyay in ay geeriyootay abaare 4:45 aroornimo ee maanta ka dib muddo kooban oo ay xanuunsanaysay.
Mama Sarah ayaa lagu xusuustaa in ay taageerijirtay carruurta agoomada ah iyo kuwa dhibaatooyinka u nugul.
Mr. Kenyatta ayaa farriintiisa tacsida ah ku sheegay in haweeneydan ay ahayd qof deeqsi ah oo waxyaabo badan ku soo kordhisay qaranka.
Mr.Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay soo gaartay dharbaaxo xooggan marka la eego mashaariicdii horumarineed ee dhanka bulshasa ee ay Mama Sarah Obama ka hirgelisay xaafadda Nyang’oma Kogelo ee ismaamulka Siaya.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ku tilmaamay hooyo astaan u ahayd dabar adayga iyo kalsoonida haweenka qaaradda Afrika.
Wuxuu Mr.Odinga xusay in Sarah Obama ay lahayd karti gaar ah oo ay ku wajahdo caqabadaha la soo darso.
Raila Odinga ayaa intaa ku daray in Obama ayaydii hay’ad ay aasaastay ay u adeegsatay waxbaridda gabdhaha iyo la dagaalanka dhaqamada aan wanaagsaneyn ee ka dhex jiro bulshada.
Barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida Mama Sarah Obama isaga oo sheegay in ay si qalbi furan u soo dhaweyn jirtay martida.
Wuxuu intaa ku daray in ay kaalin wayn ku lahayd abaabulka howlaha lacag uruurinta ee lagu caawiyo agoomada iyo garab istaagga hooyooyin badan oo keligood carruur korsada
Waxaa hadda socdo qorshaha ku aadan aaska Mama Sarah oo ahayd ayayda madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama.