Maxkamadaha ismaamullada xayiraadda la saaray oo aan shaqeyn doonin

0
444

Waxaa albaabada la isugu dhufanayaa dhammaan maxkamadaha ku yaalla 5 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka oo xayiraad la saaray cudurka COVID-19 awgii.
Ismaamulladan ayaa kala ah Nairobi ,Machakos, Kajiado, Kiambu iyo Nakuru .
Sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Philomena Mwilu ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday bayaan ay soo saartay.
Waxaa bayaanka ku cad in goobahan ay xirnaan doonaan ilaa wargelin dambe si loo xakameeyo faafidda caabuqa corona.
Mwilu ayaa xustay in kiisaska dhageysiga u baahan inta ay maxkamadaha xiran yihiin loo maareyn doono qaabka fogaan-aragga.
Sidoo kale Mrs. Philomena Mwilu ayaa shaqaalaha waaxda garsoorka ee dalka ku boorrisay in ay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 .