DHAGEYSO:Xildhibannada laga mamnuucay imaatinka kulamada baarlamaanka oo sheegay inay cabsi wajahayaan

0
562

Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaandii guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya ka joojiyay ka qaybgalka Kulamada Baarlamaanka ee soo socda ayaa sheegay in Sawiradooda iyo magacyadooda la dhigay Koontoroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Macluumaadkooda loo gudbiyay shakhsiyaad sida uu hadalkiisa u dhigay aan Naxariis lahayn oo uu tilmaamay inay dad Hore dileen ayagana ay Qatar ku tahay arrintaasi.
Xildhibaanka ayaa Tilmaamay inay ka qaybgalayaan Kulamada Baarlamaanka ee Qabsoomi doona sidoo kalena aysan Sharci ahayn Sababtii looga joojiyay 5-ta Kulan ee ugu soo horaysa

Qoddobadaan ayuu Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur ka hadlay Xilli oo waraysi siiyay Telefishinka Universal.