Maamulka isgaarsiinta dalka ayaa idaacadda Homeboyz dul dhigay ganaax lacageed oo dhan hal milyan oo shilin.
Tani ayaa timid ka dib markii 25-kii bishan saddex ka mid ah shaqaalaheeda oo barnaamij daadihinayay ay jeediyeen hadalo la qoonsaday oo loo fasirtay in ay dhiirigeliyeen tacaddiga dumarka loo gaysto.
Sidoo kale barnaamijkaas oo mid subaxla ah ayaa 6 bilood la joojiyay.
Idaacadda Homeboyz ayaa sidoo kale lagu amray inay raaligelin ku soo qorto wargeysyada maxalliga ee dalka oo dhan laga akhristo sidoo kalena shan maalmood laga billaabo maanta ay hawada raaligelin ku soo gudbiso.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaadday sii hayaha xilka agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta dalka Mercy Wanjau oo maanta shir jaraaid qabatay.