Waxaa muddo labo sano gudahood ah boqolkiiba 26 yaraaday dilalka sida sharci darrada loo fuliyo ee ka dhici jiray ismaamullada gobolka xeebta ee Kenya.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa hay’adaha dambi baarista iyo cadaaladda ku ammaanay dadaalka ay sameyeen.
Waxaa uu kula taliyay in ay kordhiyaan barnaamijyada shacabka laga qayb geliyo ee dhanka amniga ah.
Mr. Xaaji ayaa guushan u aaneeyay adeegsiga mashruuca ah in aan loo wada dulqaadan xagjirnimada .
Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in uu rajeynayo in sanadaha nagu soo aaddan ay sii yaradaan dilalka sharciga ka baxsan ee mararka qaar loo tiiriyo booliska iyo kuwa aan wax xal ah laga gaarin.
Dhanka kale agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa xaqiijiyay in ay weli socdaan baaritaanada ku saabsan dil dhawaan loo gaystay Ms Jennifer Wambua oo la rumeysan yahay in ay ka mid ahayd marqaatida dacwad la xiriirta musuqmaasuqa.