Ismaamulka Nakuru oo xirayo xafiisyada bixiyo adeegyada aan muhiimka ahayn

0
440

Dowladda ismaamulka Nakuru ee gobolka Rift Valley ayaa soo saartay amar lagu xiraya dhammaan xafiisyada aan aadka muhiim u ahayn marka la eego baahida loo qabo adeegyada ay dadweynaha u fidiyaan.
Goobahan ayaa xirnaan doono muddo 30 cisho ah laga billaabo berri oo Isniin ah.
Guddoomiyaha ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa sheegay in tallaabadani ay daba socoto kiisaska sii kordhaya ee COVID-19 ee ismaamulkaasi iyo guud ahaan dalka.
Shaqaalaha ka howlgala xafiisyada dowlad deegaankaasi ayaa la faray inay guryahooda ka soo shaqeeyaan waxaan ka ahayn kuwa bixiya adeegyada muhiimka ah.
Kuwa adeegyada muhiimka bixiyo ayaa kala ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka, biyaha, ka fal celinta musiibooyinka , soo iibsashada agabka, nadaafadda guud , dakhliga iyo maaliyadda.
Ismaamulka Nakuru ayaa ka mid ah 5-ta dowlad deegaan ee aan laga bixi karin sidoo kalana la soo geli karin wixii ka dambeeya 8-da fiidnimo ee caawa oo ah xilliga uu billowdo bandowga habeenkii ee ismaamulladan.