Wararka naga soo gaaraya dalka Indonesia ayaa sheegaya in nin isa soo miidaamiyay uu isku dhex qarxiyay kaniisadda Katholigga.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Makassar halkaas oo dhowr qof ay ku dhaawacmeen.
Sida laga soo xigtay ciidamada booliska iyo goobjoogayaal dad badan ayaa gudaha kaniisadda ku jiray markii uu weerarku dhacayay.
Booliska ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la aqoonsan cidda weerarka ka dambeysay sidoo kalena ma jirto koox mas’uuliyadiisa sheegatay.