Burcad lagu dilay Mombasa

0
428

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa koox burcad ah.
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee deegaanka Nyali Daniel Mumasaba.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka looga takhalusay burcadda ay fulisay qaybta gaarka ah ee ciidamada booliska.
Wuxuu intaa ku daray in burcaddu ay horay falal dhac ah uga gaysatay Mombasa iyadoo si gaar ah u bartilmaameedsatay ganacsatada.
Shacabka ayuu ugu baaqay in ay laamaha ammaanka u soo gudbiyaan warbixinnada ku aaddan falalka khatar gelinaya badqabkooda.