Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ah 40 hoggaamiyaal oo lagu casuumay in ay ka qayb galaan shir diiradda lagu saaraya arrimaha cimillada.
Mr. Kenyatta iyo madaxda kale ee shirka lagu marti qaaday ayaa lagu ammaanay in ay muujiyeen hoggaan wanaagsan oo la xiriira la tacaalidda caqabaddan.
Mas’uuliyiinta uu ka mid yahay hoggaamiyaha dalka ayaa matalaya wadamo u nugul saameynta isbeddelka cimillada.
Waxaa kulanka oo dhici doono 22-ka iyo 23-ka bisha Afaraad ee sanadkan isugu yeeray madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Shirka ayay madaxdu kaga arrinsan doonaan sida degdegga ee loogu baahan yahay in wax looga qabto saameynta ka dhalato isbeddelka ku yimaado cimillada.
Kulanka ayaa sidoo kale u gogol-xaaraya midka qaramada midoobay ee uu qorshuhu yahay in bisha 11-aad ee sanadkan lagu qabto dalka Scotland.