DHAGEYSO:Kenyaanka oo muujinaya cabsida ay ka qabaan qaadashada tallaalka Covid-19

0
549

Iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalka ay samaynayso xeelado lagu hubinayo in boqolkiiba 70 dadka Kenyaanka ah ay siiso tallaalka COVID 19 marka la gaaro bisha 7-aad ee sanadkan, ayaa qaar ka mid ah dadweynaha ay muujinayaan cabsida ay ka qabaan qaadashada tallaalkan.
Ismaamulka Kisumu, 52 boqolkiiba dadka ku nool ayaa la siiyay tallaalka cudurka Covid19, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay wali dareemayaan in aysan helin wacyigelin ku filan oo ku saabsan tayada tallaalka, halka qaar kalena ay sheegayaan in cudurka covid19 uusan hadda dalka ka jirin.