Eedeysanayaal lala xiriiriyay fadeexad dahab oo maxkamad la soo taagay

0
258

Waxaa maxkamad la soo taagay labo eedeysanayaal oo loo haysto inay muwaadin u dhashay Maraykanka ka dhaceen 130 milyan oo shilin iyagoo u sheegay inay dahab ka iibsanayaan balse khiyaanay ka dib markii uu lacag u soo diray.
Ka dib dacwad uu gudbiyay muwaadinka la khiyaanay ayay ciidamada booliiska guda galeen howlgal eedeysanayaasha looga soo qabtay xaafadaha Kilimani iyo Lavington.
Tuhmanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Nicholas Otieno iyo Thomas Otieno Ngoe .
Waxay ka soo hormuuqdeen maxkamadda Kibera ee magaalada Nairobi waxaana lagu siidaayay damaanad lacageed oo dhan 500,000.
Maxkamadda ayaa kiiskan mar kale soo hadal qaadi doonto 3-da bisha Afaraad ee sanadkan.